Xuuthiyiinta Oo Weeraro Ka Fuliyay Magaalada Abu Dhabi Ee Caasimadda Imaaraatka.

Wararka ka imaanaya Imaaraatka Carabta ayaa ku waramaya in tiro dad ah ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka geysteen xaafad katirsan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddankaas.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay 6 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii 3 qarax lala beegsaday booyado shidaal oo marayay xaafad katirsan caasimadda Imaaraatka, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in qaraxyada lala beegsaday booyadahaan ay ka dhaceen Xaafadda Musafax Aykad ee caasimadda Imaaraatka, ayna sababeen inuu kaco dab xooggan.

Waxay intaas ku dartay in weerarkaan ay ku dhinteen 3 ruux kuwaas oo kala ahaa nin u dhashay waddanka Pakistan iyo laba kasoo jeedda dalka Hindiya, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.

Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in marka laga soo tago khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas uu dab xooggan ka kacay dhisme cusub oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi.

Baaritaanno horu dhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaya bur burka laba diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn ah, kuwaas oo kusoo kala dhacay xaafadda Musafax Aykad iyo garoonka diyaaradaha ee caasimadda Imaaraatka, kuwaas oo loo badaniyo inay geysteen qaraxyada iyo dabka ka kacay garoonka sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Imaaraatka.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo dagaal adag kula jira Isbahaysiga Carbeed ayaa si buuxda u sheegtay masuuliyadda weeraradaan, waxaana Afhayeenka kooxdaas ninka lagu magacaabo Yaxya Sariic uu sheegay in saacadaha nagu soo aaddan ay soo gudbin doonaan tafaasiil dhamaystiran oo ku aaddan weerarada ay ka geysteen gudaha Imaaraatka Carabta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.