Al-Shabaab Oo Sarkaal Ka Tirsan Kenya Ku Dilay NFD
Maxamed Cabdi oo ahaa gudoomiyaha deeganka Cumar Jilicoow oo hoostaga degmada Carabiyo ee Mandheera ayay Mujaahidiintu ku dileen duleedka magaalada Mandheera.
Ninkaan oo ka yimid kulan uu xubno kale kula soo qaatay deegaanka Cumar Jilicoow ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qabteen duleedka Mandheera, isagoo doonyay inuu gudaha u galo magaaladaas, balse ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay kadibna toogtay, iyagoona sidoo kale gubay Mooto uu watay.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in ninkaan uu ahaa nin dhib badan islamarkaana Kenya ugacan galin jiray dadka ay sunnadu ka muuqato.
Waxaa intaa u dheereed inuu ahaa nin isku dira qabaa’ilka ku nool NFD aadna u jecel dagaal beeleedyada, isagoona ahaa xubin fir fircoon oo si dhaw ula shaqeyn jiray dowladda Kenya.
Dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay Mujaahidiintu xalay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ilale oo hoostagta deegaanka Ceel-Qaalu ee gobalka Mandheera waxaana lagu dilay laba askari oo Kenyan ah halka sidoo kale lagu dhaawacay 3 kale.