Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Wariyihii Koonfur-Galbeed Uga Soo Warami Jiray Diinsoor Iyo Xubno Kale.(Sawiirro+ Wareysi)

Wali waxaa isa soo taraya firxadka xubnihii u shaqeynayay maamulka degmada Diinsoor ee taabacsan maamulka Koonfur-Galbeed, iyadoona Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo bandhigtay sawirrada koox cusub oo kamid ahaa saraakiishii iyo shaqaalihii maamulkii burburay ee degmada Diinsoor oo isu soo dhiibay wilaayada Islaamiga ah ee Baay.
Dadkii ugu dambeeyay ee isa soo dhiibay islamarkaana lasoo bandhigay waxaa kamid ah, wariyihii TV-ga Koonfur-Galbeed uga soo warrami jiray magaalada Diinsoor ee gobalka Baay.
Wariyahaan oo in muddo ah la shaqeynayay maamulka Koonfur-Galbeed ayaa si cad u sheegay in wadada uu ku taagan yahay maamulkii uu kasoo tagay ay tahay mid qaldan,
Wariyahaan oo lagu magacaabo Xuseen Iimaan Cabdullaahi ayaa waxaa wareysi xasaasi ah la yeeshay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Wariyaha.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Xubaha Kale Ee Isa Soo Dhiibay.