Al-Shabaab Oo Xalay Howlgallo Ka Fuliyay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Weeraro kala duwan oo sababay khasaare soo gaaray askarta shisheeye iyo kuwa Soomaalida ah ayaa xalay dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen magaalooyin iyo deegaano dhaca koonfuurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay qarax la beegsatay fariisin ay askarta DF ku leeyihiin xaafadda Caawa-Casir ee degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxa ku dhaawacmay saddex askari oo ka mid ahaa ciidankii ku sugnaa fariisinka la beegsaday.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xabashida Itoobiya ay kaga sugan yihiin degmada Buurhakabo ee gobalka Bay iyadoo Mujaahidiintu isla xalay weerar toos ah ay ku qaadeen xerada askarta maamulka Koonfur Galbeed ee Makuundo oo ku taalla gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
Dhanka kale ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan XSHM ayaa xalay dagaal culus ku ekeeyay saldhiga ciidamada Jabuuti ee garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.
Sidoo kale weerarada khasaaraha geestay ay Mujaahidiintu qaadeen waxaa ka mid ah dagaal xooggan oo shalay ay ku beegsadeen fariisin ay askarta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buundada-Daariq ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu dhaawacay laba askari oo mid kamid ah yahay sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Gadaamow.
Magaalooyinka iyo deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin askarta shisheeye iyo kuwa DF ayaa waxaa joogta ka ah howlgallada militari oo ay ka fuliyaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, kuwaasoo lagu dhiig bixiyo soo duulayaasha iyo la jirayaashooda Soomaalida ah.