Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Weerar Culus ku qaaday Diinsoor.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa tilmaamaya in dagaal xoog leh ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa Dowladda federaalka ku leeyihiin magaaladaas.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen labo saldhig oo ay leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa Dowladda federaalka ee Itoobiyaanka ku wehlinaya duulaankooda Diinsoor.
Goobjoogayaal waxay soo wariyeen in dagaalku uu soo gaaray illaa caawa, islaamrkaana Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta labada saldhig iyo xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada Diinsoor.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa weerarka lagu dilay inkabadan 10 askari oo katirsan ciidamada Soomaalida ee la weeraray, halka ay jiraan tiro dhaawacyo oo uu kamid yahay sarkaal lagu magacaabo Carab oo ahaa taliyaha ciidamada Dowladda federaalka ee jooga Diinsoor.
Xubnaha maamulka Diinsoor ugu magacaaban maamulka Koonfur galbeed ayaa caawa ku hooyanaya saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin Diinsoor, waxaana soo wajahday cabsi aad u daran.
Waa dagaalkii ugu cuslaa ee dhawaanahan ay marti geliso magaalada Diinsoor, kaasoo dhexmara ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda federaalka.