Dabaabaadka Ruushka Oo Gudaha Ugalay Magaalada Kiev Ee Caasimadda Ukraine
Wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay in dagaallo cuslus ay ka socdaan qeybo kamid Magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine.
Xaafadda ugu daran ee dagaalladu ka socdaan waa Oblonsck, Waxaana halkaas gudaha ugalay gawaarida gaashaaman ee ay leeyihiin ciidamada Ruushka.
Dadka ku nool deegaanka ayaa waxay soo wariyeen inay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan iyo qaraxyo waaweyn oo ka dhacayay bartamaha magaalada Kiev, Waxaana goobaha ay xabaddu ka socoto kamid ah xarumo dowladeed oo ku yaalla caasimadda.
Ciidamada Ruushka ayaa adkeeyay difaacyada ay sameysteen hareeraha magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine, waaxana qal qal xooggan uu soo wajahay masiirka madaxweynaha dalka Ukraine.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in xukuumadda Paris ay walaac xooggan ka qabto bad qabka iyo masiirka madaxweynaha Ukraine, iyadoona sheegtay inay diyaar uyihiin inay saacidaan madaxweynaha haddii loo baahdo.
Khasaaraha ka dhashay dagaallada galay maalintii labaad ayaa ah mid Isa soo taraya, iyadoona labada dhinac ee is haya midba uu sheegayo inay khasaarooyin adag is gaarsiiyeen.
Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ukraine ayaa sheegtay in tan iyo bilawgii howlgalka la dilay 1,000 askari oo katirsan ciidamada Ruushka.
Dhankeeda wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in howlgal ay ciidankoodu kula wareegayeen garoon ku yaalla deegaan u dhaw magaalada Kiev oo kaliya ay ku dileen 200 askari.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana saacadba saacadda ka dambeysa la filan karaa is badallo hor leh oo uu yeesho dagaalka ka socda dalka Ukraine.