Dad American Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Mareykanka
Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in toogasho khasaara dhimasho iyo dhaawac ah sababta ay ka dhacday mid kamida gobollada dalkaasi.
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay shan kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ruux hubeysan uu toogasho ka geystay gobalka Oregon ee dhaca galbeedka dalka Mareykanka.
Maamulka gobolka Oregon ayaa ku dhawaaqay in qof dumar ah lagu dilay shan kalena lagu dhaawacay toogasho ka dhacday beer ku taal magaalada Portland ee gobalka Oregon.
Waaxda Booliiska Portland ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo goobta gaaray ay heleen meyd ruux haweeney ah iyo shan qof oo dhaawac ah oo labo ka mid ah yihiin rag, halka saddex kalena ay haween yihiin, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka magaalada Portland.
Booliska wax faahfaahin ah kama bixin xaaladda dadkii dhaawacmay, sidoo kale ma eysan sheegin cida geysatay togashadan dhiiga badan ku daaday.
Dalka Mareykanka ayaa si joogta ah waxaa uga dhaca weeraro toogasho ah oo ay geestaan dad hubeesan, waxaana toogashooyinkan sabab looga dhigaa in dadka caadiga ah ay heestaan hub sharciyeesan iyo mid sharci daro ah, iyadoo dowlada Mareykanka ay marar badan ku guul dareesatay in ay wax ka qabato weeraradan oo kusii kordhaya gudaha dalkaas.