Dad Ku Dhaawacmay Gaari Siday Shidaal Oo Ku Qarxay Waddanka Kenya.

Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa ku waramaya in ku dhawaad 10 ruux ay dhaawacmeen, kadib markii uu qarxay gaari shidaal waday oo ku socdaalayay qeybo kamid ah waddankaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 7 ruux, waxaana gaariga uu qarxay xilli uu ku socdaalayay wado gasha magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Marka laga yimaado dhaawaca dadkaan, qaraxa ayaa wuxuu sidoo kale sababay inay gubtaan tiro gawaari ah, kuwaas oo wadada marayay xilligii uu qaraxu dhacayay.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.