Dagaal khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Xarunta Degmada Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa tilmaamaya in halkaas ay ka dhacday is rasaseynta u dhaxeeysa ilaalada madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo maleeshiyaad hubeysan.

Sida aan wararka ku heleyno Iska hor imaadka ayaa xalay ka dhacay gudaha xarunta degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray qolyihii dagaalka u dhaxeeyay iyo dad rayid ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay dalbadeen in lasiiyo gaari iyo qori milkiyadooda ay sheegteen, islamarkaana ay wataan ciidamada ilaalada madaxweyne kuxigeenka Galmudug, taasoo khilaaf badan kadib isku badashay is rasaaseyn xooggan oo ku dhexmarta gudaha xarunta degmada.

Inta la xaqiijiyay dirarta waxaa ku dhaawcmay sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada madaxweyne kuxigeenka Galmudug, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Naasir Timaweyne iyo ruux shacab ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

Magaalada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa waxaa kusoo laa-laabta dirirta u dhaxaysa maleeshiyaadka kawada tirsan maamulka Galmudug ee ka arimiya magaaladaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dad shacabka ah ee lagu dul dagaalamay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.