Dilal Qorshaysan Oo Ka Kala Dhacay Banaadir Iyo Sh/Hoose

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxaay goballada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ka fuliyeen howgaallo gaar ah oo lagu qaarijiyay xubno ka tirsan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Rag hubeysan oo ka mid ah Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan Katiibada Maxamed Binu Maslama ayaa howlgal fariid ah oo ay maanta barqadii ka fuliyeen degamada Hodan ee gobalka Banaadir waxay ku dileen askari ka tirsan ciidamada DF.

Weerar-kaan iqtiyaalka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaarijiyay Kuus Maxamed oo ahaa askari ka ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Mujaahidiinta ayaa saakay waxay weerar qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Sh/Hoose, kaasoo lagu beegsaday askari ka tirsan DF, islamarkaana ka howlgali jiray xerada ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Mujaahidiinta ayaa bartanka deegaanka Sabiid ku toogtay askarigaan u shaqeynayay shisheeyaha oo lagu magacaabi jiray Abshir Cali Geesey, iyadoona horay u ka xeestay mooto uu watay askariga la qaarijiyay.

Xarakada Mujaahiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay musuuliyadda howlgalladaan ay ciidamadooda ka geesteen deegaanada aan hor ku soo xusnay islamarkaana lagu dilay labada askari ee ka tirsanaa DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.