Dilal Qorsheysan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Ciidamada gaarka ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxay maanta halkaas ka fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu qaarijiyay xubno ka tirsanaa dowladda Federalka Soomaaliya.
Rag hubeysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha degmada kaaraan waxay ku dileen Muuse Jilibeey oo ahaa guddoomiyaha waaxda Jamuuriyah degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.
Sidoo kale howlgal fariid ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen isla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dileen askari ka tirsan ciidanka DF.
Dilka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, waxaana ku nafwaayay askari ka mid ahaa ciidamada Minashiibiyo ee xukuumadda Soomaaliya.
Ciidamada DF ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay la kulmayeen howgallo gaar ah oo ay fulinayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwasoo lagu qaarijiyay askar iyo masuuliyiin ka tirsanaa dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.