Dowladda Hindiya Oo Ku Kacday Tacaddiyaad Hor Leh Oo Ka Dhan Ah Muslimiinta Ku Nool Dalkaas.

Weli waxaa halkooda kasii soconaya tacadiyaadka iyo gabood fallada xanuunka badan ee ay dowladda Hindiya kula kaceyso dadka muslimiinta ah ee ku dhiban dalkaas, waxaana saacadihii lasoo dhaafay lasoo wariyay tacadiyaad horleh.

Ciidamada booliiska dalka Hindiya ayaa tacdiib iyo jirdil xoogan waxay u geysteen wiil dhalinyaro muslim ah, kaasoo u geeriyooday tacdiibka uu kala kulmey ciidamada booliiska.

Ziishaan Maalik oo 19 sano jir ayay gacanta ku dhigeeen ciidamada booliiska magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya, waxayna ku xireen saldhig booliis oo ku yaala magaalada, halkaas oo wiilkan kula kulmey tacdiib daran.

Booliiska ayaa 20kii Novembar waxay gacanta ku dhigeen Ziishaan Maalik oo 19 sano jir muslim ah, iyagoo ku eedayay inuu xaday Striib Sigaar ah, waana eedeyn waxba kama jiraan ah sida ay ku waramayaan ehellada dhibanaha ay dileen ciidamada booliiska Hindiya.

Sarkaal katirsan ciidamada booliiska ayaa lasoo xiriirey ehellada Ziishaan Maalik, isagoo u sheegay in wiilkooda xanuun haya darteed loo dhigay isbitaaal caafimaad, isaguna dalbanayo inuu arko.

Ehellada ayaa markii ay goobta gaareen waxay arkeen in wiilkooda uu dhintey, sababo ku aadan tacdiibka loogu soo geystay saldhiga booliiska iyo daryeel xumida uu kula kulmey isbitaalka caafimaad ee ay leedahay dowladda Hindiya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya sawirrada Ziishaan Maalik oo ay jirkiisa ka muuqato raadadka tacdiibka daran ee loo geystay, waxaana hadda dalka ka soconaya dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, iyagoo dalbanaya inuu cadaalad helo Ziishaan Maalik.

Mid kamid ah sawirrada argagaxa leh ee laga soo qaadey Ziishaan Maalik waxaa ka muuqanaya  tolliin ka muuqda dhaawac ballaaran oo ka gaarey xabadka.

Baraha Internetka gaar ahaan twitterka ayaa dadka wax ku qora ee muslimiinta ah waxay qorayaan qoraallo ay ku dalbanayaan in cadalaad ay helaan muslimiinta Hindiya, sidoo kalena ku eedeynayaan dowladda Hindiya iney dagaal adag kula jirto muslimiinta.

Naashid u dooda muslimiinta Hindiya oo lagu magacaabo Samiir Ansaari ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitterka wuxuu ku yiri “ Muslimiina Hindiya waxay marayaan xaalad aad u adag, xitaa amni kuma heystaan guryahooda iyo goobahooda shaqada”.

Hinduuska dab caabudka ah ayaa sii wada dhibaateynta ay ku hayaan muslimiinta Hinidya, waxaana ololahaas hor boodaya wadaadaha Hinduuska, midkood ayaana muuqaal uu soo dhigay internteka wuxuu ku goodiyay iney dhisi doonaan dowlad Hindi la yiraahdo oo aan dhulkeedu ku oolin wax masaajid ah, sidoo kalena ku dhex nooleyn dad muslimiin ah.

Muslimiinta Hindiya ee kunool wadamada dibadda ayaa dhankooda waxay dhigayaan dibadbaxyo balalaran oo ay ku taageerayaan muslimiinta ku dhiban gudaha HINDIYA.

Dibadbaxyo ka dhacay dalalka Maraykanka iyo Hindiya ayay muslimiinta waxay ku dalbadeen in la joojiyo cadaadiska lagu hayo muslimiinta, siba mamnuucitaanka xijaabka ee haweenka muslimaadka.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.