Duqeymo Ku Hoobanaya Kiev iyo Wararkii Udanbeeyay Ee Dagaalka Ka Socda Ukraine
Wararka naga soo gaaraya dalka Ukraine ayaa sheegaya in si toos ah uu maalintii labaad u socdo dagaalka ciidamada Ruushka ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Ukraine waxaana socda dagaallo toos ah iyo duqeymo culus oo ku hoobanaya magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.
Warbaahinta kala duwan ee dunida ayaa si toos ah usoo tabineysa dagaalka iyo duqeymaha ku socda dalka Ukraine ee maalintii labaad galay.
Subaxnimadii hore ee maanta wakaaladaha wararka ayaa sheegay in jugta qaraxyo xiriir ah laga maqlay bartamaha caasimadda Ukraine ee kiev .
Labo qarax oo xooggan ayaa laga maqlay bartamaha Kiev, sida uu ku soo waramayo weriye ka tirsan AFP, maalin kadib markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Wakaaladda wararka ee “Interfax” ayaa sidoo kale sheegtay in laba qarax laga maqlay caasimadda Ukraine ee Kiev, subaxnimadii hore ee maanta
Dhankiisa, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Ukraine, Anton Gerashchenko, ayaa sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah ee ku socda magaalada Kiev ee loo adeegsaday gantaalada cruise-ka ama ballistic-ga ay dib u soo laabteen, waxaana bartamaha magaalada laga maqlayaa jugta laba qarax oo xooggan.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay in difaaca cirka ee Ukraine ay ka jawaabeen qaar ka mid ah gantaallada ku hoobanaya bartmaha magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine.
Wargayska SPECTATOR INDEX oo soo xiganaya musuuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in difaaca cirka Ukraine uu soo riday diyaarad dagaal uu leeyahay Ruushka xili ay dul maraysay magaalada Kiev.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo militari ayaa sheegtay in tiro ka mid ah ciidanka ilaalada xudduudaha Ukraine ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo culus uu Ruushka ka geestay gobolka Zaporizhia, ee bariga dalka Ukraine.
Dhnka kale TV-ga CNN, oo soo xiganaya laba ilo wareedyo ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Mareykanka ay sheegeen in ciidamada Ruushka qiyaastii 32 km ay u jiraan magaalada Kiev ee caasimaada dalka Ukraine.
Ruushka ayaa adeegsanaya gantaalladda nooca loo yaqaan Cruise-ga, isagoona geysanaya duqeymo arxan daro ah xili ay dafiictay ka hortagga duqeymaha Ruushka sababo la xariira Ruushka oo bur buriyay inta badan saldhig yadii difaaca cir iyo xarumihii Nukliyeerka ee dowladda Ukraine, halka kuwo kalene uu gacanta ku dhigay oo ay ka mid tahay xurunta Nukliyeerka ee Chernobyl sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Keiv.
Duqeymaha Ruushka uu ku garaacayo magaalooyinka dalka Ukraine maalintii labaad ayaa waxaa ka dhashay khasaare baaxadleh oo isugu jira naf iyo maali intaba.
Tiro koob yadii u danbeeyay khasaarahii dagaaladii shalay oo xalay la shaaciyay aya tilmaamaya in 57 ruux ay dhinteen 169 kalena ay ku dhaawacmeen sida uu shaaciyay Wasiirka Caafimaadka ee Ukraine. sidoo kale waxaaa burbur xoog leh uu soo gaaray in badan dhismayaasha iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyadoo inta badan dadka reer Yukreyn ay ka barakaceen dalkaas.