Gudoomiye Waaxeed Hore Oo Caawa Lagu dilay Muqdisho.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow waxay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dileen gudoomiye waaxeed hore oo katirsanaa maamulka gobolka Banaadir.
Cabdiqaadir Cabdullaahi Lugey oo masuul waaxeed hore kasoo noqday degmada Dharkenley ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa caawa lagu dilay Muqdisho.
Ragga dilka gestay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga dhaqaaqey, waxaana meydka masuulkan markii dambe qaaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallada ay Mujaahidiintu ku ugaarsadaan masuuliyiinta iyo ciidamada Dowladda federaalka.