Howlgallo Lagu Dilay Askarta Shisheeye Iyo Kuwa Soomaalida Oo Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya
Guutada Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax la beegsatay askar ka tirsan ciidamada Burundi, kaasoo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buurane ee gobalka Sh/Dhexe, waxaana lagu dilay askari miina baare ahaa oo ka tirsanaa ciidanka Burundi ee lala bartilmaameedsaday qaraxa.
Sidoo kale laba weerar oo dhabba-gal ah ayaa maanta waxaay ka dhaceen deegaanada kala ah Cabdalla-Biroole iyo Yaaq-raar oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka koobaad ayaa waxaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka DF oo ku roondeeynayay deegaanka Yaaq-raar, waxaana inta uu socday dagaalkaasi gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Cabdalla-biroole ciidamo kale, kuwaasoo iyagana la kulmay weerar kale oo dhabba-gal ah.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ah kamiinka ka dhacay deegaanka Cabdalla-biroole waxay Mujaahidiintu ku dileen 3 askari oo ka tirsanaa ciidankii weerarka la kulmay, halka lagu dhaawacay 6 askari oo kale, iyadoona Mujaahidiintu ay ku soo furteen laba qori oo kala ah AK47 iyo BKM.
Howlgalladaan ayaa ku soo aadaya xili xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ay ku dileen C/qaadir Salaad Kiil oo kamid ahaa saraakiisha sirdoonka maamulka Jubbaland.