In Ka Badan 10 Askari Oo Kenya Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Gobalka Lamu.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar dhabba-gal ah u dhigay kolonyo ka tirsan ciidanka kenya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gudaha wadanka kenya.
Kamiinka oo ahaa mid culus ayaa waxay ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen kolonya Kenyaatiga ah xili ay ma marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Kayunga iyo Mirarani ee gobalka Lamu, waxaana ka dhashay khasaaroohin kala duwan.
Sida ay warbaahinta Al-Furqaan u xaqiijiyeen ilo masuul ah waxaa weerarka lagu dilay 13 askari oo kenyaati ah halka sidoo kale lagu gubay gaari Kooyal ah oo ka mid ahaa kolonyadii ku dhacday weerarka dhabba-galka ah oo ay diyaariyeen dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.