Midowga Yurub Oo ka Falceliyay Amarkii Ka Soo Baxay Xukuumadda Moscow

Kadib amarkii uu madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ku faray saraakiisha sare ee dowladiisa in heegan sare la galiyo ciidamada gacanta ku haya hubka Nuclearka ayaa waxaa isa soo taraya hadalka heynta iyo ka jawaabaha ay dowladaha reer galbeedka ka bixinaayaan tillaabadaas.

Madaxa Amniga iyo Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in arin muhiimadeeda leh ay tahay in Putin uu amar ku bixiyay in nidaamka ka hortagga Nukliyeerka ee Ruushka la geliyo heegan sare, iyadoo Moscow ay sii wadato howlgalkeeda milateri ee ka dhanka ah Ukraine.

Borrell ayaa ku dhawaaqay in nidaamka ka hortagga hubka nukliyeerka ee Midowga Yurub la geliyay feejignaan sare kadib tallaanadii uu qaaday Putin iyo dagaalka ka socda xuduudaha Yurub.

Sarkaal-kaan ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka ka hortagga Nukliyeerka ee Atlantic uu ku jiro heegan sare, isagoo intaa ku daray in waxa ka socda Ukraine uu yahay “dagaal ka socda xuduudaha Yurub.”

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Midowga Yurub uu hub siinaayo Kiev, isagoo xusay inay tahay markii ugu horeysay oo Midowga Yurub uu hub siiyo dal aan xubin ka aheyn dowlaha ku bohoobay Urur-kaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.