Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran

Dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda oo xiran,

Ciidamo katirsan Booliska DF ayaa saaka xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyaga oo u diidaya in gaadiidka iyo dadka intaba ay maraan.

Sida wararku sheegayaan waddooyinka xiran saaka waxaa kamid ah dhamaan wadada dheer ee hormarta degmooyinka, Xamarweyne, Xamar Jajab, iyo Waaberi.

Dadka magaalada ayaa waxay sheegeen in ciidamada la soo dhoobay wadooyinka ay meelaha qaar xitaa dadka u diidayaan inay u gudbaan xaafadaha degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Sababaha wadooyinka qaar ee Muqdisho maanta loo xiray ayaa lagu sheegay in maanta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ay kajirto doorashada kuraas kamid ah Golaha Baarlamaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.