Qarax Culus Oo Goordhow Afgooye Lagula Beegsaday Masuuliyiinta Magaalada.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa caawa ka dhacay qarax aad u xoogan oo lagu weeraray guri ay ku kulansanaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa ee maamulka degmada Afgooye.

Qaraxa jugtiisa waxaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah magaalada, waxaana ka dhashey waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa qaraxan dhaawac garaab ah ku noqday Axmed Maxmuud Shukri oo ah xoghayaha maamulka degmada Afgooye iyo askari ilaaladiisa kamid ahaa.

Weerarka qaraxa ah waxaa ka badbaaday gudoomiye ku xigeenka xagga amniga iyo bulshada ee maamulka degmada Afgooye.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.