Qaraxyo lagu Beegsaday Sarkaal iyo Askar Katirsan DF Oo Ka Dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka dhacay qaraxyo khasaarooyin geestay oo lala beegsaday xubno ka tirsan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa barqadii maanta waxay qarax culus la eegteen gaari nuuca Soomaalidu ay u taqaano C/Bilaha oo uu watay Maxamed Xaashi Cagey oo ah taliyaha ciidanka Booliska xaafadda Daarasalaam ee degmada Yaaqshiid  xili uu marayay xaafadda Ceymiska ee isla degmadaas.

Sida la sheegay taliyaha ayaa ka badbaaday weerarkaan la damacsanaa in lagu qaarijiyo, balse waxaa ku dhaawacmay 1 askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah.

Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goor dhow waxaay qarax kale la beegsadeen askar ka tirsan DF oo ku sugnaa deegaanka Tabeelaha Sh.Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 2 askari oo ka mid ah ciidankii uu haleelay qaraxa.

Ciidamada XSHM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxay weeraro kala duwan ka fuliyaan dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka Banaadir, kuwaasoo lagu ugaarsado saraakiisha iyo askarta ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.