Yaxaas Ku Dhawaad Shan Mitir Ah Oo Lagu Dilay Saakow.(Maqal+Sawiro)

Subanximadii hore ee saakay waxaa wabiga Jubba ee mara degmada Saakow ee wilaayadka islaamiga ah ee Jubooyinka laga soo saaray baqtiga Yaxaas weyn kaas oo dhibaatooyin ku hayay dadka iyo duunyada.

Yaxaaskaan oo mitir ahaan ahaa 4 Mitir iyo bar ayaa waxaa lagu raad joogay muddo bil iyo bar ah, waxaana ugu dambeyn lagu dilay sun loo dhigay.

Yaxaaska ayaa ahaa cadow si weyn looga baqo waxaana uu cunnaa xoolaha iyo dadka,waxayna dadkii ku sugnaa wabiga inoo sheegeen inuu horay u cunay xoolo isugu jira Lo’ iyo Ari.

Halkaan Ka Dhageyso Dadkii Ku Sugnaa Wabiga Ee Yaxaaska Soo Saaray.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Yaxaaska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.