4 Ruux Oo Lagu Dilay Weerar Gaari Jiirsiin Ah oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka.
Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa saraakiil katirsan booliska Mareykanka ayaa sheegay in 7 ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar gaari jiissiin ah oo ka dhacay magaalada Salem ee gobolka Oregon ee dhaca galbeedka dalka Mareykanka.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 4 qof oo Ameerikaan ah ayaa ku dhimatay weerarka halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 kale sida lagu sheegay war kasoo baxay waxaad booliska Oregon.
Taliyaha Booliska gobolka Oregon ayaa warbaahinta u sheegay in nin darawal ah uu gaarigiisa jiirsiiyay xero ay degan yihiin dad darbi-jiifyo ah oo ku taalla magaalada Salem, waxaana halkaasi ku dhintay 4 ruux halka 3 kalena ay soo gaareen dhaawacyo, kuwasoo loo qaaday goobaha caafimaadka.
Mid ka mid ah dadka ku nool xerada ayaa sheegay inuu arkay gaariga oo si xowli ah ku socda islamarkaana dulmaray dhowr teendho oo ay dad ku jireen ka hor inta uusan jiirin haweeney ku sugneyd halkaas.
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin in weerar-kaan uu ahaa mid ula kac ah iyo inkale laakiin laamaha amaanta maamulka Oregon ayaa waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaari oo dhaawac ah ayna socdaan baaritaano.