9 Ka Tirsan Askarta Burundi oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Sh/Dhexe.
Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur gaadiid.
Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa beegsatay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidanka Burundi ee qeybta ka ah duullaanka lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax culus lala helay gaari noociisu yahay Taw, ayna ku dhinteen 6 askari halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Khasaarahan ayaa yimid kadib markii uu burbur xooggan soo gaaray gaarigii Tawga ahaa ee uu qaruxu haleelay. Ciidamada Burundi ayaa dib u dhac weyn u horseeday degmooyinka iyo degaanada ay heystaan ee gobolka Sh/dhexe.