Al-Shabaab Oo Dagaal kula wareegay Buulomareer iyo Madaafiic Lagu garaacay Xarunta Shisheeyaha.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegey gacan ku heynta magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, waxayna Mujaahidiintu cagta mariyeen labo fariisin oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda federaalka.
Marka laga soo tago ciidamada ku dhintay dagaalka, inta ka badbaadey weerarka waxay u firxadeen saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee duleedka magaalada Buulomareer.
Caawa waxaa magaalada isugu soo baxay dadweyne aad u faraxsan, kuwaasoo soo dhaweeyey ciidamada Mujaahidiinta.
Salaadda maqrib kadib waxay Mujaahidiintu masaajidda kula hadleen dadka shacabka ah, iyagoona u jeediyay kalimaad muxaadaro ah.
Dhinac kale ugu yaraan 30 madfac ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee duleedka magaalada Buulomareer.
Madaafiicda ayaa gudaha ugu dhacay saldhiga, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen.