Al-Shabaab oo Weerar Khasaare Dhaliyay Ka Fuliyay Mandheera.
Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ka geystay degaan hoos taga Mandheera, gaar ahaan xero ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya.
Wararka ka imaanaya Mandheera waxay sheegayaan in weerarku uu ka dhacay xero ku taalla degaanka Ceelraamo oo hoostaga Ceelqaalow, Mandheera.
Sida xogta lagu helayo, waxaa hub culus lagu beegsaday xerada Kenyaatiga iyadoo ilo madax bannaan ay sheegayaan in ciidanka Kenya ay soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Habeen hore ayay ahayd markii ciidamada Kenya sidan oo kale loogu weeraray gobolka Mandheera oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku heysato xukuumadda Uhuru.