Ciidamada Al-Shabaab Oo Ka Dagaalamaya Gudaha Xerada Xalane
War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa sheegaya in weerar culus uu ka soconayo xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad uhubeysan ayaa gudaha ugalay xerada, iyagoona halkaas ka bilaabay tacshiirad ka dhan ah shisheeyihii ku sugnaa Xalane.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha Qaramada Midoobey, Diblimaasiyiinta Shisheeye iyo Safaaradaha reer galbeedka.
Khasaare ayaa lasoo sheegayaa in la gaarsiiyay shisheeyihii ku sugnaa halkaas, walow aanan helen tiro rasmi ah, maadaama uu weerarku yahay mid iminka soconaya.
Wixii kusoo kordha dhageystayaasheena waan usoo gudbin doonnaa insha’allaah.