Ciidamo Burundeys Ah Oo Isku Laayay Gobalka Sh-Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobalka Sh-Dhexe ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamado katirsan Shisheeyaha gaar ahaan kuwa ka socda Burundi ay dirir ku dhex martay halkaas.

Ciidamadaan ay maanta diritu dhex martay ayaa waxay ku sugnaayeen xero ay ku leeyihiin deegaanka Haan-Sheekh oo dhaca duleedka degmada Balcad.

Sida ay tilmaamayaan wararka aan heleyno dagaalka ayaa yimid kadib markii askari Burundeys ah uu toogtay 3 askari oo kale oo saabaxidiis ah.

Intaasi kadib waxaa isana goobta lagu toogtay askarigii dilka geystay, taas oo wadarta guud ee dhimashada ka dhigaysa 4 askari.

Meydadka askarta Burundi ee dhexdooda is laayay ayaa waxay diyaarad ka qaaday xerada Haan-Sheekh oo ah halka uu dagaalku ka dhacay.

Waxaa xusid mudan in xerada ay maanta isku laayeen ciidamada Burundi uu horraan qabsaday dab xooggan oo ka kacay bakhaar hubka lagu keeydiyo, kaasoo sababay dhimashada 27 askari oo Burundeys ah, iyo dhaawaca 20 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.