Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Dhulka Soomaali Galbeed

Wararka naga soo gaaraya dhulka Soomaali galbeed ee ay gumeysato dowladda Itoobiya ayaa kuwaramaya in maanta halkaas uu ka dhacay weerar lagu laayay dad rayid ah.

Ciidamada ka hoos shaqeeya dowladda Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Booliis ayaa xasuuq arxan darro ah ka geystay deegaanka Bambaas ee hoostagga degmada Gursum ee dhulka Soomaali galbeed ee ku jira gumeysiga Maamulka Xabashida.

Xasuuqaan ayaa yimid kadib markii askarta Liyuu Booliis ee Xabashidu ku aqdaamato ay is hor istaag ku sameeyeen qaban-qaabada xaflad Caleema saar ah oo Beel kamid ah Beelaha dega degaanka ay ku caleemo saarayeen Ugaas ay dhawaan doorteen, dadka deegaanka ayaana ka carooday arintaas, kadibna maleeshiyaadka ayaa si arxan daro ah rasaas ula dhacay dadka shacabka ah.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarkaan, tiro intaas ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Waa dhacdadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah falal joogta ah oo ay ciidamada Liyuu booliiska iyo kuwa Xabashidu ku xasuuqeen dadka Soomaaliyeed ee dhulkooda xoogga looga heysto, naftooda iyo diintoodana halis ba’an lagu hayo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.