Daawo Sh/Aadan Sunne oo Ka Waramay Sababta Uu Ugu Biiray Al-Shabaab Ugana Yimid Hargeysa.

 

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo dhawaan soo gaaray wilaayaatka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jeediyay kalimad maqal iyo muuqaal ah oo la daawan karayo muddo 34 daqiiqo iyo 44 ilbiriqsi ah, kalimaddaasoo uu kaga warramay waxa ku kallifay inuu isaga soo tago Somaliland, wixii uu ku arkay dhulka uu haatan joogo iyo farriin uu u diray bulshada ku nool Somaliland.

Sheekha oo kalimaddiisa cinwaan uga dhigtay “anigu waxaan ahay mid idiin saseexeynaya oo aamin ah” ayaa ugu horreyn dadka muslimiinta ah u sheegay inuu joogo gobollo ay ka hirgashay xorriyadda dhabta ah ee ay diintu ogoshahay, wuxuuna xusay inuu xilligan xor u yahay diintiisa iyo dhaqankiisa, awoodna u leeyahay inuu xaqa si toos ah u bidhaamiyo isagoon cidna ka baqayn ama aan sarbeeb adeegsanayn, sidiiba uu mararka qaar sameyn jiray markuu Hargeysa joogay.

Isagoo sii cabbiraya dareenkiisa iyo xorriyadda uu ku helay Wilaayaatka ayaa waxa uu yiri: “Adoonka adduunyada lagu caburiyo ee minbar waaya, meel raayada Jihaadku ka babanayso ayuu kalmaddiisa xaqa ka caddeyn karaa. Haddii maanta ilaahay nolol iyo caafimaad idinku soo gaarsiiyay oo aan soo baqoolaan halkan imid, waxa aan leeyahay, bad iyo beri baska hawada midaan kusoo booday, birmad ilaah baa igu bayiday boqorki weynaaye, bulshadaan usoo bulladay bogatay kheyrkiiye, bartaan rabay baqoolaan ku imi buruntideydiiye, balaayada rabbow naga bariii baari baad tahaye”

Somaliland Inuu Ka Tago Uma Qorsheysnayn Hadda, Waase Lagu Kallifay

Sheekhu wuxuu shaaca ka qaaday in intii uu noolaa inuusan waligii dhaafin laamiga magaalada Burco, balse lagu qasbay inuu Wilaayaatka islaamiga usoo galo socdaal dheer oo aan xilligan hadda ah u qorsheysnayn. “Halgeysa ayaan ku noolaa, dhibaatadii iga qabsatay caloosha bani’aadamka ee ilaahey sameeyay aniga saab aadane sameeyay baan ku jiray, waxaana sababay nimanka ay gaaladu carbisteen ee askarta iyo casaakirta u ah qeybo kamid ah Somaliland, sida markaasi aaranka geelu barwaaqada kaliisha markuu dhargo baraarka ugu durduriyo baa beerka nalaga tuntay oo nalagu durduriyay, oo kabta weyn ee qadha ah meel maskax iyo miyir ku yaallo iyo hilbo halbowle ah midna aan looga nixin, si kasta ayaa katiinad naloogu ceejiyay, dambiga aanu galnayna waxay tahay وَمَا نَقَمُواْ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ inaan ilaahay rumeynay oo aan xaqa sheegeyno” ayuu yiri Sheekh Aadan Sunne. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in wadaadada ku nool Somaliland ay saddex qeyb ka kooban yihiin, qeyb naftooda u baqatay oo ka xeeladeysanaysa maamulka, qeyb la shaqeysa maamulka oo xumaantooda u fatwooda iyo qeyb xaqa caddeysa oo aan ka gabban dhibaatada diineed oo bulshada lagu hayo, qeybtaas oo uu isagu kamid ahaa ayuuna sheegay iney yihiin kuwa xadgudubka la kulmay.

Dhibaatada ugu daran ee ay mar walba culimada xaqa la jahra iyo maamulka isku qabtaan ayuu sheegay iney tahay dhaqan xumada iyo Kirstan faafinta wadanka ka socota, taasoo soo jiitamaysay tan iyo billowgii sagaashameeyadii, Sheekhu wuxuu ka shanqariyay in dalkiisii uu xor ku ahaan waayay hey’adaha iyo shaqsiyaadka gaalnimada faafiyana ay xor ku noqdeen. Inkastoo waxa ay culimadu ka hadlayaan ay yihiin wax bannaanka yaalla oo aan mugdi ku jirin haddana maamulka Somaliland ayaa mar walba adeegsanayay xeelado dadka lagu marin habaabinayo illaa xaaladdu soo gaartay in Hargeysa laga furo jaamacadda macruufka ah ee Barwaaqo oo la arkay iyadoo wax ka dhigeysa baadariyadda Joy Issa.

“Caruurtii yaryarayd dhallinyarada rag iyo dumarna madallaad iyo hey’ado kala gaar ah ayaa kala qeybsaday dhaqankiina wey ka iibsadeen caqiidadiina wey ka iibsadeen, waxaana marqaati kuugu ah innamada yaryaree burco iyo hargeysa u dhashay intaanan gobolada kale gaarin, waa kuwan mar walba baraha bulshada fadhiya ee diintii shalay ay ku dhasheenee lagu soo barbaariyay caayaya cid tallaabo ka qaadaana ma jirto, bal Tktolk ayay soo fadhiistaan iyagoo sidey doonaan Nabi Muxamad u caayaya, bacdamaa qofkii ka hadlay baadariyaasha diinta caayaya hanjabaad heer madaxweyne loogu hanjabay, qaarkoodna ay maanta jeel u dhex hurdaan iyo xabsi” sidaasi waxaa yiri Sheekh Aadan Sunne.

Wuxuu farta ku fiiqay iskuulada iyo xarumaha ay Hargeysa ka furteen shaqsiyaadka faafiya dhaqamadii qowmuluudka, kuwa jandarka qaabilsan ee faafiya aragtida ah in haweenku ragga ka maarmaan oo iyagu isku kaaftoomaan iyo kuwa kale oo tira badan oo qaarkood dhibaato ku hayaan dadka reer miyiga ah iyo wax soo saarka wadanka. Sheekh Aadan wuxuu xusay iney jiraan qoysas la gaaleysiiyay iyo koox rag ah oo qaatay dhaqankii qowmuluudka. Sheekh Aadan Sunne wuxuu sheegay markuu la kulmay intaas iyo in ka badan oo dhibaatooyin ah inuu isaga soo hijrooday Somaliland.

Muxuu Ku Arkay Wilaayaatka Islaamiga Ah?

Sheekhu wuxuu sheegay in uu yimid meel ka duwan halkii uu kasoo hijrooday oo uu xusay in ay ka jireen munkaraad, dulmi iyo dad la gaaleysiinayo. “Haddaad leedahay wax yaabaha dhaqan xumada xal looma hayo oo muqaadaraadka xal looma hayo, oo qaadkaa loo maaran waayay, oo sigaarkaa loo maara waayay, xalkii halkanaan ugu imidoo, baabuur madmadow oo wada gubatay baan wilaayaadka dhexdooda ku arkay markaasaan ku iri kuwani ma qaar lagu dagaalamoo gubatay baa, markaasaa la yiri, mayee waa kuwii qaadka iyo muqaadaraadka, xalkooduu baa la helay, meel caleen qaad ah lagu calaalinayo kama jirto halkan, sigaar lagu cabayo khamriga iyo xashiishadda maalin walba booliiska Hargeysa ay soo bandhigaan ee waliba qaadka ku dhex jira iska daay iyo daroogada kala duwane , halkan caleen qaada iyo xabad sigaara midna laguma qiijiyo, masrax kama jiro iyo heeso iyo music, dad is boobayoo burcadeyn iyo dulmi leysku xoog sheeganayo ninba qofkuu ka adag yahay halkan kama jirto” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in aan qofka loo qabsan karin wax aan ka ahayn dambiga uu galay kaasoo ay go’aan ka gaarayaan maxkamadaha shareecada oo haatan dadku uga imanayaan qaaradaha adduunka oo dhan cadaaladda ka jirta aawgeed, wuxuuna bulshada ku dhaqan Somaliland ugu baaqay iney u sacyiyaan sidii looga bixi lahaa dulmiga islamarkaana loogu dhaqmi lahaa shareecada islaamka. Waxa kale oo uu ku baaqay in loo soo hijroodo Wilaayaadka Islaamiga ah lagana qeyb qaato halganka la isaga difaacayo shisheeyaha hororka ah ee soo duulay.

Sheekha oo ah nin suugaan yahayn ah xikmaddana aad u daneeya ayaa gunaanadkii kalimaddiisa bulshada Somaliland kula hadlay tix erayadeedu cad-cadyihiin oo qof walbaahi fahmi karayo, wuxuuna yiri: “So’da gabayga xikmad lagu sakimay samaxadii siinta, hadal saafan murti sooran baan saaka kuu dhigiye, saad baan kuu wadaa sadriga sixa ku beeraaya, saxariir iyo sabaanaha kan dhacay, salawga meeraaya, Soomaaliyeey siyaabaa jiroo, adduun wuu silloon yahaye, subeyhiga bal eeg siraya diintiisa, haseegina nasri baa soo socdoo waa la sugayaaye, tilmaan sugan darwiishkii halkuu mariyay saadaasha, waa saaxilkeenii saxarahaan saami ku lahayne, aan sifeeyo sooyaalka, bariga afrikuu sagal ka muuqdaaye, waqal siman daruuraha nasriga, mayayga soo hooray, saadaashu waa saxal laga bixiyo, cisi samada kuu yaalle, sahanka raayada sidee towxiidka sare u qaadaaya, safkaa jihaadka lagu suntiyo sowjarrada dhaartay, waa siiradii rasuulkoo shabaab soo alkumay sabanka maanta ahe, caqiido saafiya ninkii sahay looga dhigay waa sad aakhiro,e’ soo halawadaay waxa loo hardamayaa samaha weeyaane, gobanimo sahal laguma helo, haddaan semo loo marine, subax nool gaal sakaarka laga toogtiyo murtad seefta lala gaaro, soduu dego saqda dhexe ku gala, waa lasoo gudhine, salaaxiyo waanada ninkii sardiya, saad dambuu garane, soo kacoo sara u eeg dhambaal sidaha saaka kula jooga, sadar muuqda su’aasha waa laga sarriigtaaye, saaxada jihaadkiyo baaqa samada yeeraaya, soo heybsadaay saaxiibayaal waa leydin sugayaaye”

Sheekh Aadan Sunne ayaa dhowr goor xarig kala kulmay maamulka Somaliland markii ka hadlay kiristaameynta iyo dhaqan xumada ay wadaan hey’adaha shisheeye, waxaana shaki ku jirin in dad badan oo aan xorriyad ku heysan Somaliland ay sidiisa oo kale ugu soo hijroodaan Wilaayaatka Islaamiga ah.

Halkan ka daawo kalimadda Sheekh Aadan Sunne oo muuqaal ah.

Halkan ka daawo kalimadda Sheekh Aadan Sunne oo muuqaal ah.

You might also like
1 Comment
  1. Abuu curwa says

    Salamacalaykum sh Aadan Cabdiraxmaan Warsame ilaahay haku dhawro akhii fil caqiida .
    Waxaa lay yidhaahdaa Subeer , ilaahay ayaa mahd leh haddii uu kaa soo badbaadiyey gaaladii iyo kaba qaadkoodii Hargeysa joogay.
    Laakiin walaal ummaddii reer Hargeysa way ku tabaysaa oo mashruucii kiristaamaynta ayaa si wanaagsan ugu soconaya markay waayaan cid tidhaada ka daaya nin gabyey ayaa yidhi
    Gabal baas ayaa u dumay reerihii geliga booc yiil.
    Adigu waajibkaagii waad gudatay ahaa inaan xaqa la qarin waad cadaysay dhib badanina way kaa soo gaadhay .inaad hijrootaana waa arrin sax oo sharciga waafaqsan nebi Moxamed swc ayaa makka ka hijrooday markii naftiisa halis la geliyey. Aad ayaan kuugu soo ducaynayaa ilaahay inuu xaqa iyo iimaanka inagu sugo , ilaaha quluubta rogrogow , quluubtayada ku sug diintaada ,walaalaha xarakdana waxaan leeyahay waxaad tihiin iftiin ka bidhaamaya geeska afrika dadaalka laba jibaara cid u maqani ma jirto muslimiintii geeska afrika oo aan idinka ahayni
    Aad iyo Aad ayaan idiin salaamaya.
    Salaamacalaykum.
    Waa walaalkiin Subeyr.

Leave A Reply

Your email address will not be published.