Dad Yuhuud Ah Oo Lagu Xasuuqay Weerar Ka Dhacay Tel-Aviv

Habeennimadii xalay magaalada Banii Baraak ee hoostagta Talla’biib oo ay caasimad ka dhigteen Yahuudda ayaa waxaa ka dhacay weerar keligii duulnimo oo uu fuliyay wiil dhalinyaro muslim Filastiini ah.

Fuliyaha weerarka oo watey mootooyinka dheereeya ayaa soo gaaray laamiga Hashnaayim ee magaalada Banii Baraak, halkaas oo uu ka billaabay weerarka, kadibna wuxuu uga sii gudbay wado kale oo lagu magacaabo Hartasal, halkaas oo uu kasii waday weerarka.

Laamiga koowaad waxa uu fuliyaha weeratrka ku dilay darawal Yahuudi ah, markaas oo uu kusii gudbay mootada uu watey, dukaan yar oo laga dukaameysto ayuuna ku diley labo ruux oo Yahuudi ah, isagoona kadib halkaas kasii dhaqaaqey, goobta kale ee uu tagay ayuuna ku diley tiro kale oo Yahuud ah.

Ciidamo katirsan booliiska Yahuudda ayaa soo gaarey goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana saacadihii hore loo maleynayay in weeraro dhowr ah ay ka socdaan gudaha magaalada Banii Baraak, balse goordambe waxaa la ogaaday iney ahayd xeelad milliteri iyo mid amni oo uu adeegsaday fuliyaha weerarka, si intibaaha ciidamada uu kala tago, hal meelna aaney tarkiiz u saarin.

Tirada guud ee Yahuudda weerarkan keligii duulnimada lagu dilay waxay gaarayaan 5 ruux, halka sidoo kale ay jiraan 6 kale oo dhaawacantay, kuwaasoo qaarkood xaaladoodu caafimaad liidato, lagana yaabo iney ku dhintaan xarumaha caafimaad ee lagu dabiibayo.

Dagaal dhexmaray ciidamada maamulka Yahuudda iyo fuliyaha weerarka ayaa dhaliyay in ugu dambeyn uu goobta ku shahiido fuliyaha weerarkan keligii duulnimada ah oo ah wiil Filastiini muslim ah oo kasoo jeeda deegaannada Daanta galbeed.

Bayaan kasoo baxay booliiska Yahuudda ayaa lagu sheegay in fuliyaha weerarka uu kasoo jeeda deegaanka Yacbad ee hoostaga magaalada Janiin ee daanta galbeed, nooca weerarka ayayna ku tilmaamtay inuu yahay weerar argagaxiso, waana tilmaam ay siiyaan weerarada a fuliyaan dhalinyarada muslimiinta ee ay ku difaacayaan sharafkooda.

Diyaa Xamaarsha oo ah 27 sano jir muslim Filastiini ah ayaa fuliyay weerarka, kaasoo horey ay xabsiga u dhigeen ciidamada maamulka Yahuudda, kadib markii ay ku eedayeen inuu ka ganacsado hubka, xilliyadii dambena wuxuu ka shaqeysanayay magaalada Banii Baraak ee uu weerarka ka fuliyay.

Sida lagu arkayo muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka, fuliyaha weerarka ayaa ahaa qof aad u degan, aqoonna u lahaa isticmaalka iyo adeegsiga qoriga uu watey, waxaana isagoo difaac sameysanaya uu toogasho ku diley ugu yaraan 5 ruux oo Yahuud ah, halka uu sidoo kale dhaawacay 6 kale.

Arinta xusida mudan waxay tahay in fuliyaha weerarka uu ka leexanayay beegsiga iyo dilka caruurta iyo haweenka, isagoona ka codsaday haween iyo caruur goobta joogay iney isaga dhaqaaqaan meydaanka, ka hor inta aanu weerarka billaabin.

Haweeney Yahuudiyad ah oo goobjoog ahayd weerarkii Banii barakaak ayaa sheegtay in fuliyaha weerarka uu ka codsaday iyada iyo haween dhowr ah oo goobta joogay iyo caruur la socotay iney isaga tagaan goobta, labo daqiiqo kadib digniintaasna uu rasaasta billaabay.

“ wuxuu iga codsaday inaan gadaal u laabto, waxaa muuqatay inuusan dooneyn inuu dilo haweenka iyo caruurta” ayay tiri haweeney ka badbaaday weerarka oo warbaahinta Yahuuda la hadashey.

Laamaha kala duwan ee ciidamada ammaanka maamulka Yahuudda ayaa sheegay iney heegan amni oo buuxa galeen, cabsi laga qabo awegeed iney dhacaan weeraro silsilado ah ka hor inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo heysa.

Goobta ay camaliyaddu ka dhacday waxaa soo gaarey masuuliyiin katirsan maamulka Yahuudda, oo uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha, taliyaha ciidamada iyo kan sirdoonka, waxaana ku hooriyay dad Yahuud ah oo iyagoo careysan goobta isugusoo baxay.

Waxay sheegeen in maamulka uu hogaamiyo Naftaali ay ku fashilmen sugidda amniga, loogana baahanyahay iney xilka iska casisho, wasiirada maamulka Yahuudana la kala diro.

Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda oo dhankiisa hadlay wuxuu sheegay in golaha wasiiradiisu ay sii kordhin doonaan dagaalka uu sheegay iney la galayaan waxa uu kutilmaamay argagaxisada, isagoona ballanqaady iney ka guuleysan doonaan, sida uu isagu hadalka u dhigay.

Dhinac kale, kooxaha Muqaamamada Filastiin ayaa hambalyeeyay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Banii Baraak ee hoostagta Talla’biib, waxaana bayaan kasoo baxay xarakada Xammaas lagu tilmaamay weerarka mid halyeynimo, ahna mid mashruuc ah oo ku feeylaya difaaca xuquuqda Filastiiniyiinta.

Xarkaada lagu magacaabo Al-Jihad ayaa dhankeeda Iyana waxay soo saartay bayaan ay ku bogaadineyso weerarkii Talla’biib, maamulka Yahuudana waxay uga digtay inuu qaado tallaabooyin xadgudub ah oo ka dhan ah reer Filastiin, taasoo ay cawaqib xumo ka dambeyn doonto.

Balse ninka sheegta inuu yahay madaxweynaha Filastiin Maxmuud Cabbaas Abuu Maazin ayaa cambaareeyay weerarkii Talla’biib, isagoona sheegay in weerarkan uu sababay iney dhintaan Yahuud aan waxba galabsan, sida uu isagu hadalka u dhigay.

Todobaad gudihiis, waxaa deegaanada Daanta galbeed iyo Al-Qudus ee kujira gumeysiga maamulka Yahuudda ka dhacay weeraro keligii duulnimo oo gaaraya 3 weerar, kuwaasoo wadartooda lagu dilay inkabadan 10 ruux oo Yahuud ah, laguna dhaawacay tiro intaas la eg.

Weerarkii ugu horeeyey ee dhaca todobaad gudihiisa, waxa uu ka dhacay magaalada Bi’r As-Sabac waxaana fuliyay keligii duule muslim ah oo lagu magacaabo Muxamad Ghaalib Abul Qeycaan, wuxuuna ku dilay 4 ruux oo Yahuud ah, isagoo ku dhaawacay tiro kale.

Camaliyaddii Al-Khadiira ayaa ku xigtay oo dhacday saddex maalin kahor, waxaana fuliyay labo mujaahid oo keligii duuliyaal ah, kuwaasoo howlgalka ku dilay 4 ruux oo Yahuud ah oo ay kamid yihiin 2 askari oo ciidamada maamulka Yahuudda katirsan.

Waxaa ugu dambeeyay howlgalka xalay ka dhacay magaalada banii Barak ee hoostagta Talla’biib, taasoo Iyana lagu dilay 5 ruux oo Yahuud ah, laguna dhaawacay 6 kale.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa iney sii kordhaan weerarada keligii duulnimada ah ee ay fulinayaan dhalinyarada xaq u dirirka ah ee reer FIlastiin, kuwaasoo difaacanaya dhulkooda iyo muqadasaatka muslimiinta ee uu ugu horeeyo masjidul Aqsaa Ash-Shariif.

Maaamulka Yahuudda oo uu taag dari iyo dacfi weyn ka muuqdo ayaa wada galaan gal xagga diblumaasiyadda ah oo uu ku sharciyeysanayo dhulka muslimka ah ee Filastiin, waxaana dhawaan magaalada An-Naqab ee Filastiin ku kulmey wasiirada arimaha dibadda ee afar dowladood oo carab ah, kan maamulka Yahuudda iyo wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka.

Dhinacyada kulankaasi uu dhexmaray oo isku duubni muujinayay ayaa ka hadlay sidii Yahuuddu loogu sii heyn lahaa dhulka ay xooga ku heysato, sidoo kalena looga difaaci lahaa weerar kasta oo muastaqbalka dhow iyo midka fogba beegsan kara Yahuudda xooga lagu degaameeyay Filastiin.

Balse dhalinyarada Muslimiinta ee ka biyo cabay aciinka saafiga ah ee Waxyeynka oo ah Quraanka iyo Sunnaha ayaa far waaweyn ku qorey iney marnaba dullinimo qaadan doonin, awaamiirta cad cad ee Rabaaniga ah ee dhigeysa in la laayo Yahuudana ay fulin doonaan.

Howlgalkii Banii Baraak ee lagu dilay 5 ruux ee Yahuuda ah, laguna dhaawacay lixda kale ayaana dharbaaxsho kulul ku noqday kulankii An-Naqab iyo galaangalka diblumaasiyadeed ee uu maalmahan wado maamulka Yahuudda ee dhul boobka ah.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.