DEGDEG: Al-Shabaab oo La Wareegay Xerada Ciidanka Puntland Ee Af-urur.
Wararka naga soo gaaraya degaanka Afurur ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay saaka cagta mariyeen xerada oo qiyaastii 70km u jirta magaalada Boosaaso.
Guutooyin aad u hubeysay oo ka tirsan milatariga Al-Shabaab ayaa saaka salaadii subax kadib weerar kula jarmaaday halkaas, waxaana u suura gashay iney durbadiiba xerada la wareegaan islamarkaana cagtar mariyaan wixii ciidan ahaa ee joogay, kuwaasoo ay ka dhigeen qaar ay dilaan iyo kuwa firxada.
Sida aan kasoo xiganayno ilo dhanka Mujaahidiinta ah, waxaa xerada laga sameeyay hawlgallo baaritaano ah kadibna dab ayaa la qabadsiiyay, kaasoo qiiqiisa iyo ololkiisa degaano fogfog laga soo arkayay. Sidoo kale gaadiid badna oo nooca dagaalka ah ayaa ciidanka Puntland looga gubay goobta.
Weerarkan ayaa waxa uu kusoo aaday iyadoo waayahanba uu hogaamiyaha Puntland ciidamada ka dalbanayay iney aad u adkeeyaan difaacyada dhanka buuraha Galgala, waxaana dhacday in ciidankii ilaalada u ahaa.