Deni oo Isku Sharaxay Madaxweyne Weerar Afka Ahna Ku Qaaday Farmaajo.
Hogaamiyaha maamulka Pntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada DF.
Isagoo meel madal ah ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu u tartami doono kursiga madaxweynaha DF, oo ay tahay inuu haatan isaga dego Farmaajo oo uu xilliga ka dhammaaday.
Deni ayaa muujiyay inuu yahay nin wax badan soo kordhin kara waxna la qeybsan kara musharaxiinta kale, laakin wuxuu ku celceliyay dhaliisha uu u hayo Farmaajo, oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo.
Wuxuu xusay inuu muddo badan qarinayay siro la xariira masiirka wadanka, uuna soo bandhigi dooni waqti ku munaasab ah (sida uu hadalka u dhigay)
Deni ayaa horey loo hadal hayay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada DF, maadaama intii uu Puntland joogay uu uruursaday dhaqaale badan oo uu ku tartami karayo.