Dhageyso: Howlgallo Saacadihii Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Koonfurta Soomaaliya
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay howlgallo kala duwan oo isugu jira dilal qorshaysan, qaraxyo iyo dagaallo toos ah waxay ka fuliyeen deegaano iyo magaalooyin ay shisheeyaha iyo Soomaaliya la shaqeysa kaga sugan yihiin koonfurta dalka Soomaaliya.
Howlgal qorshaysan oo ay Mujaahidiintu xalay ka fuliyeen deegaanka Gariley ee hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa waxay ku dhaawaceen Axmed Fartaag oo katirsan maamulka Ceelwaaq islamarkaana si dhaw ula shaqeeya dowladda Kenya.
Sidoo kale Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Balaacsii ee degmada Hodan waxay shalay ku dileen askari kamid ahaa ciidanka DF, iyagoona horay uga sii qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.
Dhanka kale Mujaahidiinta ayaa xalay waxay dagaallo toos ah ku qaadeen saldhigyo ay askarta shisheeye iyo kuwa maamul goboleedyada ku leeyihiin qeybo kamid ah goballada Bakool, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Halkaan Ka Dhabeyso Faahfaahinta Howlgalladaan iyo Warar Kale.