Dowladda Ingariiska Oo Digniin Kasoo Saartay Amniga Dalka Kenya.

War saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda London ayaa lagu muujiyay qatar amni oo ka jirta dalka Kenya, kaas oo sidoo kale digniin loogu diray muwaadiniinta Ingariiska ah ee ku nool gudaha Kenya.

Sida ku cad war saxaafadeedka UK, waxay dadkeeda uga digaysaa in laga bilaabo bisha 4-aad ee sannadkaan ay u safraan dalka Kenya.

Safaaradda Ingariiska ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay jirto halis ka imaan karta waxay ugu yeertay Argagixisada, kuwaas oo ay kamid ah af duub loo geysan karo muwaadiniinta Biritish-ka ah.

Waxay dadkeeda ku sugan gudaha Kenya ugu baaqday inay iska ilaaliyaan tagidda meelaha 60 kiiloomitir u jira xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku xooggan gudaha dalka Kenya, waxayna marar badan halkaas ka fulisay weeraro waaweyn kuwaas oo lagu laayay dad kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.

Digniintaan hadda kasoo yeertay dowladda Ingariiska ayaa kusoo aadaysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay Mujaahidiinta xoojiyeen weerarada ay ka fulinayaan gudaha dalka Kenya, waxaana dadkii lagu dilay howlgalladii u dambeeyay kamid ahaa kuwa kasoo jeeda dalka Shiinaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.