Faahfaahin: Howlgallo Maanta Ka Dhacay Koonfurta Dalka Iyo Khasaarooyin Ka Dhashay
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxay howlgallo dhowr ah ka fuliyeen goballada Bay iyo Jubbada Hoose, kuwasoo khasaare lagu gaarsiiyay askarta shisheeye iyo kuwa maamul gobaleedyada ee shisheeyaha ku daaban.
Kolonyo katirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay duleedka magaalada Baydhabo ayaa ku dhacay weerar kamiin ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay halkaas ugu sii diyaariyeen, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil la socotay kolonyada ku dhacday weerarka jid galka ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan lagu dilay labo ruux oo mid kamid ah uu yahay Gudoomiyaha maamulka Koonfur Galbeed ugu magacaaban deegaanka Mooda-moode ee duleedka magaalada Baydhabo kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Garane, waxaana lagu dhaawacay sarkaal taliye koox ah oo lagu magacaabo Hubeerow iyadoo Mujaahidiinta ay kusoo furteen labo qori iyo booshashkooda.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxey maanta dagaal culus ku qaadeen saldhigga askarta Kenya ee jaziirada Kudhaa ee gobalka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan labo askari oo Kenyaati ah oo midi sarkaal yahay.
Sidoo kale weerar dhabba-gal ah ayay maanta Mujaahidiintu la beegsadeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Baarka iyo Singaleer ee duleedka magaalada Kismaayo waxaana weerarka lagu dilay hal askari oo kamid ahaa ciidankii la kulmay weerarka Jid galka ah.
sidee telegramka amo whats appka idaacadda ku hdli karaa smo app kale oo barnaamijyada kala socdo
https://t.me/Dhacdooyinka10