Faahfaahin: Iska Hor Imaad Khasaaro Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Raaga-Ceelle

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Raaga-ceelle ee gobalka Sh/Dhexe, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada iyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maamulka degmada Raaga-ceelle iyo maleeshiyaadka hubeysan ay isku maan dhaafeen isbaaro lacag baad ah looga qaado gaadiidka dad weynaha ee halkaas safar ku mara, taasoo ku taalla qeybo ka mid ah degmada.

Inta la xaqiijiyay israsaaseynta u dhaxeysay labada dhinac waxaa ku dhintay 2 qof oo ka tirsan dableydii ay dirirtu u dhaxeysa halka sidoo kale tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa soo laab laabta iska hor imaadyada ku dhaxeeya askarta iyo maleeshiyaad ka wada tirsan maamullada uu shisheeyuhu dalka ka hirgeliyay, kuwaasoo geesta khasaarooyin baaxad leh oo soo gaara dhinacyadii dirirtu u dhaxeysay iyo dadka shacabka ah ee degan deegaanada lagu dagaalamay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.