Faahfaahin: Shil Geestay Khasaare Kala Duwan Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil dhuhurnimadii maanta ka dhacay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Shilka oo ahaa mid gaari ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Labi-Hiiraan ee ku yaalla duleedka dagmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal shilka ayaa yimid ka gadaal markii gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah kuna socda xaawaare sare uu mar qura ka baxay wadada laamiga ah, islamarkaana uu burburiyey guri ku yaalla laamiga dhinaciisa.
Dadka deegaanka Labi-Hiiraan oo ah halka uu shirku dhacay ayaa xaqiijiyay in 4 ruux ay ku dhaawacmeen shilka, halka sidoo kale ay jiraan dad ku dhintay, balse laga sheegin tirada rasmiga ah ee dad geeriyooday.
Shilalka gaadiid ee geesta khasaarooyinka kala duwan ayaa ku soo baxana goballada dalka, iyada oo sababo dhawrana loo aaneeyo marka laga tago qadarka Allah, waxaana kamida sababahaas wadooyinka oo ah kuwo burbursan iyo wadayaasha gaadiidka oo aan xil iska saarin masuuliyada ka saaran gaadiidka ay wadaan iyo dadka saaran.