In Ka badan 10 Ruux OO Ku Dhintay Dab Kacay Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Dimishiq
Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhimatay 2 kale waxaa laga soo badbaadiyay dab xooggan oo barqanimadii maanta ka kacay dhismaha xarun ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Nureyriyada Suuriya dabka oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa qabsaday dhismaha Mall weyn oo ay ku dhex yaalaan goobo ganacsi oo badan islamarkaana ku yaalla waddada Al-Xamra ee magaalada Dimishiq, iyasoona intaas ku dartay wasaaraddu in dabku uu sidoo kale sababay khasaare hantiyadeed oo baaxadleh.
Ciidanka Booliska maamulka Nuseyriyada ayaa dhankooda sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dabkaasi.
Muuqaallo iyo Sawirro ay baahisay warbaahinta dalkaas ayaa waxaa lagu arkayay baaba’ xoogg leh oo uu dabku u geesatay dhismaha uu dabka kacay iyo xarumo kale oo ganacsi oo ka agdhow halkaas, iyadoona sidoo kale la arkayay gurmdayo kala duwan oo ay bixinayeen dadka magaalada Dimishiq si ay uga hor tagaan in dabku uusan meelo hor leh ku faafin.