In Kabadan 10 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Mareykanka

Ugu yaraan 1 ruux ayaa ku dhintay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo ka dhacay koonfurta waddanka Maraykanka sida ay sheegeen booliska dalkaas.

Toogashada ayaa ka dhacday goob ganacsi oo lagu soo bandhigayay gawaari iib ah oo ku taalla magaalada Dumas oo qiyaastii 80 mayl koonfur bari kaga toosan magaalada Little Rock ee xarunta gobalka Arkansas.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay toogashada balse afhayeenka booliiska gobolka Arkansas Bill Sadler, ayaa saxaafadda u sheegay in macluumaadka hordhaca ah uu yahay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 10 kale.

Booliska ma aysan shaacin cidda gaysatay weerarka sidoo kalena ma sheegin dad loo soo qabtay, balse waxa kaliyah oo ay sheegeen in wali ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo cidda ka danbeysay toogashaan khasaaraha geysatay.

Waddanka Mareykanka waxaa joogto ka ah weerarda hubeysan oo ay geysanayaan dadka Ameerikaanka ah iyadoo dowladda dalkaas ay si cad ugu fashilantay inay ka hor tagto weerardaas galaaftay noloshada dad badan oo u dhashay dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.