Isbahaysiga Sacuudiga Horkacayo Oo Weerarro Cirka Ah Ka Fuliyay Dalka Yemen
Isbahaysiga Carbeed ee duullaanka ku qaaday dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay in uu fuliyay duqeymo cusub kuwaas oo uu ku beegsaday baro muhiim ah oo ku yaalla magaalooyinka Sanca iyo Xudeydah ee dalka Yeman.
War rasmi ah oo kasoo baxay Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa lagu sheegay in khasaare xooggan uu ka dhashay duqeyn culus oo dhanka cirka ah oo ay ku beegsadeen goobaha ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kasoo abaabulaan weerarda ka dhanka ah dhulka uu ka arimyo maamulka Aala Sacuud.
Warka kasoo baxay Xulufada Carbeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha Isbahaysiga ay jawaab u yihiin weeraro is daba joog ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Sacuudaga, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegteen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama wadanka Yeman.
Kooxda Xuuthiyiinta kama aysan hadlin duqeymaha la sheegay in lala beegsaday xarumahooda muhiimka ah balse warbaahinta maxalliga ah ee dalka Yeman ayaa sheegtay in xalay ilaa subaxnimadii hore ee maanta la maqlayay jugta qaraxyo waa weyn oo ruxay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman.
Shalay ayay aheyd markii Xuuthiyiintu ay sheegteen weeraro xiriir ah oo ka dhacay magaalooyin waaweyn oo dalka Sacuudaga, kuwaasoo lala eegtay shirkado dhowr ah oo ay kamid tahay shirkadda shidaalka Aramco ee ku taalla magaalada Jiddah, taasoo dab xooggan uu ka kacay xarunteeda kadib duqeymo lala beegsaday.