Kamiin Lagu Laayay Ciidamo Katirsan Jubbaland Oo Ka Dhacday Duleedka Kismaayo
Ciidamada militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar dhabba-gal ah u dhigay askar ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii ku dhacday kamiinka.
kamiinka oo isku rogay dagaal fool ka fool ah ayay Mujaahidiintu waxay la beegsadeen ciidanka Jubbaland oo ku sucdaalayay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Sida aan wararka ku helnay askarta Jubbaland ayaa kala firxaday kadib markii ay la kulmeen weerar gaadmo ah oo aysan fileen iyagoona ku baraarugay rasaas xooggan oo jaho waliba kaga soo dhacaysa,waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 30 askari.
Inta la xaqiijiyay werarka waxaa lagu dilay 12 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe halka lagu dhaawacay 17 kale.