Khasaaro Dhimasho Iyo Mid Dhaawac Oo Ka Dhalatay Toogasho Ka Dhacday USA
Gobolka Iowa ee dhaca galbeedka dalka Mareykanka ayaa waxaa uu marki geliyay weerar toogasho ah oo uu dhiig ku daaday, kaasoo lala beegsaday arday dhalinyado ah, sida ay sheegay warbaahinta dalkaasi.
Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa sarkaal la tirsan ciidamada booliska gaar ahaan waaxda gobalka Iowa ayaa sheegay in ruux hubeysan oo watay gaari nuuca raaxada ah uu rasaas ooda kaga qaaday arday taagneed ilinka hore ee iskuul ku yaalla magaalada Des Moines ee xarunka gobalka Iowa, taasoo sababay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan tiro arday ah.
Afhayeen uhadlay booliska ayaa sheegay in markii ay ciidanka amaanka tageen goobta uu falku ka dhacay ay heleen saddex wiil oo la toogtay, iyadoo loola carary Isbitaalka, balse mid kamid ah uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, halka labada kalana ay xaaladooda aad u liidato.
Sarkaalkaan ayaay intaas raaciyay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen ruux lagu tuhunsan yahay weerarka laakiin aan lagu heyn wax cadeyn ah oo muujinaya inuu falkaan ku lug leeyahay.
Weerarada toogashooyinka ah ka dhaca dalka Maraykanka ayaa ah aafo daba-dheeraatay, mar kasta oo uu dhaco wererar noocan oo kale ah, waxa dalkaasi ka furma dood ku saabsan in la mamcuuco hubka ku jira gacmaha dadweynaha, balse ma jirto wax horumar ah oo arrintan laga gaaro.
Dad badan oo Ameerikaan ah ayaa diiday inay ka tanaasulaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee u ogolaanaya inay hub yeeshaan.