Ku Dhawaad Kun Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Ka Dhacay Itoobiya
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in in ka badan 300 oo qof oo rayid ah ay ku dhinteen tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Itoobiya ka geesteen woqoojiga dalkaas tan iyo dhamaadkii bishii la soo dhaafay ee November.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxa loogu yeero xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegay in in ka badan 300 oo qof oo rayid ah lagu dilay tan iyo dhamaadkii bishii November duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray kuwaas oo ay geesteen diyaaradaha xukuumadda Abiy Axmed.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa sheegay in xaaladdu ay si weyn uga sii dartay iyadoo halkaas laga geysanayo xad gudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo falal amaan dari ah kuwasoo dalkaas laga diiwaan galiyay tan iyo dabayaaqadii bishii November ee sanadkii tagey.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Hay’addu warbixinno ay ka sameysay colaadda sii fideysa ee ka taagan gobalada Canfarta, Axmaarada iyo Tigrayga lagu ogaaday in halkaas uu ka jiro xadgudubyo ballaaran iyo kuwa daahsoon ee ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxay si gaar ah QM walaac xooggan uga muujisay duullaanka tirada badan ee ciidamada cirka ee Itoobiya ka geysanayaan gobalada Tigray-ga iyo kan Canfarta, iydoo sheegtay inay diiwaan gelisay in duqeymahaas ay ku dhinteen 304 ruux oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 373 kalena.
Sidoo kale warbixinada QM waxaa lagu sheegay in fallaagada xiriirka la leh TPLF ay weeraro aan kala sooc laheyn oo lagu beegsado dadka rayidka ah ay ka gesteen deegaano ku yaalla gobalada Canfarta iyo Axmaarada.
Tan iyo markii uu dalka Itoobiya ka qarxay dagaalka u dhaxeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo jabhadda TPLF ayaa waxaa halkaas laga soo calaamadeeyay xasuuqyo daran oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geesteen dhinacyada ku hardamaya xukunka dalka Itoobiya.