Laba Haween Ah Oo Lagu Dilay Weerar Mindiyeen Ah Oo Ka Dhacay Dalka Sweden.

Koonfurta dalka Sweden gaar magaalada Malmö oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaas ayaa waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday mindi kaasoo lagu dilay laba ruux oo haween ah.

Petra Stenkula oo ah taliyaha booliska magaalada Malmö ayaa sheegay in ay heleen fariin sheegeysa in dugsi sare oo ku yaalla koonfurta magaalada uu ka dhacay weerar, marka ay goobta tageena ay la kulmeen labada qof oo haween ah kuwaasi oo qaba dhaawacyo halis ah kadibna isbitaalka loo qaaday balse ugu dambeyn ay u dhinteen dhaawacii kasoo gaaray weerarka.

Booliska Sweden ayaa tilmaamay in ruuxa weerarka geystay uu ahaa arday 19 jir ah oo dhigta Iskuulka, iyagoona sheegay in gacanta lagu soo dhigay, waxayna intaas ku dareen in labada dumarka ah ee dhintay oo da’dooda lagu qiyaasay 50 sano jir ay ka tirsanaayeen shaqaalaha dugsiga Malmö Latin oo ah halka uu falkaan ka dhacay.

Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in ninka weerarka geystay uu ku hubeysnaa Mindi iyo faas, sida uu qoray wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska wiika weerarka  geystay qudhiisa ayaa war geliyay booliska isagoona qirtay in uu dilka geestay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.