Qarax Ka Dhacay Mareerey & Faahfaan Kamiin ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax culus waxay la beegsadeen askar katirsan ciidamada dowladda Federalka oo ku sugneyd deegaanka Mareerey ee duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal askari oo katirsanaa ciidamada DF ayaa ku dhintay qaraxa, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo kale.

Dhanka kale faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaare ka dhashay weerar jid gal ah oo ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta u dhigeen askar katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dhaawacay weerar-kaan kamiinka ah 3 askari oo mid uu yahay sarkaal 2 xidigle ah oo lagu magacaabo Xuseen Waraabe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay ilaa maanta waxay weeraro badan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta dalka, waxaana ugu khasaare badan kamaa’in shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kuwaasoo lagu dilay 11 askari uu ku jira sarkaal taliye hoorin ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Fanax, kaasoo caan ku ahaa la dagaalanka diinta Islaamka iyo ehelkeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.