Qarax Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Wajeer.

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayaa ku waramaya in duhurnimadii maanta qarax xoogan lala helay gaari nooca waaweyn ah oo ay saarnaayeen askar Kenyaati ah.

Qaraxa waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaana lala eegtay gaari Mutabiish ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah.

Ciidamada Keenyaanka ah ee lala beegsaday qaraxa ayaa waxay kasoo baxeen deegaanka Weel Caday oo hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer, iyagoona kusii jeediyay deegaanka Gariley ee degmada Ceel-Waaq.

Askartaan ayaa waxay sahay usideen ciidamada keenyaanka ee fadhiya deegaanka Garileey eehoostaha degmada Ceel-Waaq, waxaana qaraxa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada Keenyaanka ah.

Ugu yaraan 11 askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, oo dhamaantooda ah askar Kenyaati ah, waxaana gabi ahaanba bur buray gaarigii ay wateen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah duullaanka askarta shisheeye ay ku joogaan dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.