Qarax Lagu Laayay Askar Katirsan Xabashida Oo Ka Dhacay Duleedka Diinsoor.

Wararka ka imaanata magaalada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa tilmaamaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax khasaase geestay lala beegsaday askar katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa askarta Xabashida lagula eegtay duleedka degmada Diinsoor waxaaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku nagu soo gaarayaan ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan Xabashida Itoobiya ayaa ku dhintay qaraxa halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 askari oo kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulidda qaraxaan lagu laayay ciidamada Xabashida Itoobiya ee ka qeebta ah shisheeyaha duullaanka gardarada ah ku jooga dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.