Qarax Lala Eegtay Musuul Katirsan Koonfur-Galbeed Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax la beegsaday masuul katirsan maamulka Koonfur-Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayay Mujaahidiintu waxay la bartilmaameedsadeen Ibraahim Maxamed Nuur (kalaay) oo ah Guddoomiyaha deegaanka Owdiinle ugu magacaaban maamulka Koonfur-galbeed waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa.

kalaay ayaa qaraxa lala eegtay xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla isla deegaanka Owdiinle ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo, waxaana qaraxaasi ku dhintay 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro gudoomiyihii deegaankaasi.

Weerar-kaan khasaaraha geestay ayaa soo aadaya xili Shabaabul Mujaahidiin ay qarax xooggan oo jugtiisa meelo fog fog laga maqalay ay magaalada Baydhabo kula beegsatay taliyhii hore ee sirdoonka maamulka Koonfur-galbeed, balse la xaqiijiyay in ninkaani uu ka badbaaday weerar la damacsanaa in lagu qaarijiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.