Qaraxyo Khasaare Geestay Oo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah Dalka Soomaaliya.

Ciidamda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weeraro loo adeegsaday qaraxyo islamarkaana khasaare lagu geersiiyay shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka iyo Soomaalida la shaqeysa waxay ka fuliyeen goballada Banaadir, Shabeelleha Dhexe iyo Bari.

Askar katirsan ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi oo ku jiray roondo islamarkaana kasoo baxay saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Buurane ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haleelay qarax culus oo jugtiisa laga maqalay meelo ka baxasan halka uu ka dhacay.

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee ka qeybta ah shisheeyaha dullaanka ku jooga dalka ayaa ku dhintay qaraxa.

Sdoo kale qarax ka dhacay degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ayay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku dileen Daahir Xasan Tooxoow oo kamid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada laga soo doorto Galmudug.

Dhanka kale guudatada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax waxay la beegsaday ciidamo katirsan maamulka Puntland, kasoo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxay Mujaahidiintu la heleen gaari Cabdi Bile ah, waxaana lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo katirsanaa ciidanka maamulka uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Dani, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tiro kale halka uu burbur xoog leh soo gaaray gaarigii uu haleelay qaraxa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.