Ruushka Oo Cunaqabateymo Kusoo Rogay Masuuliyiin Sar Sare Oo Katirsan Mareykanka.

Maanta oo talaado ah xukuumadda Moscow ayaa cunaqabteymo kusoo rogtay madax sar sare oo katirsan dowladda Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa caan ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in liiskaan cusub ee cunaqabateynta ah lagu soo daray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken.

Dadka ay xukuumadda Moscow kusoo rogtay cunaqateynta ayaa waxay ka kooban yihiin 12 xubnood, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xoghayeenno iyo ku xigeenno katirsan qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda Washington.

Khabarka la xiriira cunaqateymaha lagu soo rogay Masuuliyiinta katirsan dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faafiyay warbaahinta Ruushka, waxayna kala yihiin 12-ka xubnood ee xayiraadahaan la saaray:

-Joe Biden (Madaxweynaha Mareykanka)
-Anthony Blinken (Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka)
-Lloyd Austin (Xoghayaha Difaaca Mareykanka)
-Mark Milley (Gudoomiyaha Saraakiisha Wadajirka ah ee Shaqaalaha Mareykanka)
-Jacob Sullivan (Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Amniga Qaranka)
-William Burns (Agaasimaha CIA-da Mareykanka)
-Jennifer Psaki (Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad)
-Dalip Saen (Kaaliyaha Ku Xigeenka Madaxweynaha Mareykanka ee Amniga Qaranka)
-Samantha Power (Maareeyaha, Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah)
-Hunter Biden (wiilka madaxweynaha Mareykanka)
-Hillary Clinton (Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ahna musharaxad hore ee xilka madaxtinimada)
-Rita Jo Lewis (Gudoomiyaha Golaha Maamulka ee Bangiga Soo Dejinta- yo Dhoofinta)

Waaxda arrimaha dibadda ee ee Ruushka ayaa sheegtay in cunaqateymahaan lagu soo rogay madaxda dalka Mareykanka looga jawaabayo cunaqabateymo dhowr ah oo ay horay xukuumadda Washington ugu soo rogtay shaqsiyaad katirsan dowladda Ruushka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen in masuuliyiin katirsan Ruushka laga mamnuucay inay soo galaan dalka Mareykanka.

Madaxdaan katirsan Mareykanka ee lagu soo rugay cunaqateymaha islamarkaana laga mamnuucay inay soo galaan Ruushka waxaa ugu cad cad Madaxweyne Joe Biden, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Anthony Blinken, iyo Xoghayaha Wasaaradda Difaaca Lloyd Austin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.